Madaxwayne Gaas.Rabitaanka shacabka Puntland ayaan madasha la tagnay iyagaana go.aanku Dib ugu soo celinya

Boqolal Dad wayne ah iyo Mamulka Gobalka.Kan dagmada  ayaa garoonka Diyaaradah ee Boossaaso ku soo dhaweeyay Madaxwaynah Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo ka yimaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka
Madaxwayne Gaas ayaa inta uusan soo gaarin Boossaaso waxaa Go.aankisi ahaa inaysan Puntland qadanan  4.5 ka ku raacay  Xubno ka tirsan Mamulka Puntland iyo Shacabka Puntland  waana kuwan iyagoo ku sugnaa Garoonka Boossaaso oo jubaland tv  uga war Bixiyay Fikirkooda ku aadan go.aanka Madaxwayne Gaas
Intaas kadib waxaa garoonka Boossaaso soo gaaray Madaxwaynah Puntland cabdi wali Maxamed Cali gaas oo dhamaan Dadwaynihii iyo Madxadii soo dhawaynaysay gacan qaaday  iyadoona dhamaan Bulshadu ay ku dhawaaqayeen  Dooni mayno 4.5 mana ogalaan doono
Madaxwaynah Puntland cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa  gudah  Garoonka Boossaaso saxaafada kula hadlay isagoona sheegay in mihiimadu ay tahay in Puntland ay mar walba la tashato Shacabkeeda aysan ahayn mid xukunkeedu yahay kaligiis taliye isagoona sheegay in Go.aanka ay markii hore shacabku u dhiiben hadana uu iyagii dib ugu soo celiyay
Madaxawynah Puntland ayaa sheegay in Shacabka Puntland ay kala Tahsan doonan Wax walboo Soomaaliya Dan u ah iyo Puntland  loona Baahan yahya mar waliba in laga shaqeeyo sidii ay soomaali isuugu iman lahayd oo ay dhibka uga bixi lahaayen
Madxawyne Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaato Go.aankii garoowe lagu gaaray sababtoo ah waxaa ay dowlad ku hir gashaa  inay qaadato  wixii go.aan  la qaato  sidaas ayaanah lagu heli karaa dowlad Dhab ah ee in wax lag soo gudbay dib loogu laabto ma suuroobayso inay shacabka soomaaliyeed ay ku midoobaan
Lama ogaa halka uu ku danbayndoono go.aanka ay Puntland ka qaadatay Habka doorashada soomalaiya ay u dhacayso Sanadkan aan ku guda jirno iyadoona ay mamulada iyo dowlada Fadaraalka ah ay isku raacen 4.5 Puntland uu go.aankaasi noqday mid ay qaadan wayday
944050_738227069646326_5185899835104380967_n 12592350_1104095919623926_2379025674522622041_n 12644998_738227166312983_7278888168992033275_n 12645205_738226726313027_2800938251242539223_n
Madaxwayne Gaas.Rabitaanka shacabka Puntland ayaan madasha la tagnay iyagaana go.aanku Dib ugu soo celinya Madaxwayne Gaas.Rabitaanka shacabka Puntland ayaan madasha la tagnay iyagaana go.aanku Dib ugu soo celinya Reviewed by Unknown on 6:33 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.