Hadallo kulul oo laga jeediyay kullanka AU


Image copyrightAFP
Image captionShirka AU Somaliya ayaa sidoo kale laga hadlayaa

kullanka 26-naad ee madaxda midowga afrika, waxa hadalo kulul ka jeediyey madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin sinaan la'aan uu sheegay in ay ka jirto gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey.
Mugabe waxa uu sheegay in haddii ay tashato Afrika in ay isaga bixi karto UN. waxaan codsanay buu yiri in xubin joogta ah nalagasiiyo golaha amaanka, waana la diiday ayuu yiri, sida uu sheegay.
Mugabe oo wareejiyey xilka guddoominaya nimada midowga Afrika ayaa waxa uu ku celceliyey in loo baahanyahay in laga shaqeeeyo cadaaladda iyo sinaanta, waxaa uuna ka hadlay faragelin uu sheegay in reer galbeedka ku hayaan wadamada Afrika.
Kullankan waxa sidoo kale ka hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in madaxda Afrika ixtiraamaan mudada dastuurka u ogolyahay in ay xilka hayaan.
Ban ki moon oo khudbadiisi ugu dambeeysay ka jeediyey kulanka midowga afrika ayaa waxa uu xusay in 17 waddan oo Afrika ah sanadkan ay ka dhici doonto doorasho, waxaa uuna ku booriyey hoggaamiyaasha afrika ay ilaaliyaan dastuurka oo aanay dulduleeaha jiray u adeegsan in ay wadamada ka dhaliyaan rabshado.
Hadalkaasi Ban ki moon waxa uu muuqdaa in uu yahay mid ka turjumaya dhibaatooyinka ka jira qaarada.
Burundi oo ka mid ah wadmada arrimahooda la falanqeynayo ayaa mushkilada ka taagan waxa ay ka dhalatay madaxweynaha dalkaas uu isu soo sharaxay xilka madaxweyananimo mar sadexaad, sababayna in ay rabshado ka dhacan dalkaasi.
Dalka South Sudan ayaa ka mid ah arrimaa laga shirayo halkaas oo is qabqabsi dhinaca awooda ah uu horseeday isku dhacyo sababay dhimasho iyo bara kac xooggan.
Dhinaca kale madaxweynaha Chad Idris Deb ayaa loo doortay in uu noqdo gudoomiayaha midowga afrika sanadkan 2016, waxa uuna xilka kala wareegay madaxaweynaha Zimbabwe Robert Mugabe
Hadallo kulul oo laga jeediyay kullanka AU Hadallo kulul oo laga jeediyay kullanka AU Reviewed by Unknown on 12:14 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.