Tahriibe Sweden ku dilay gabar shaqaale ah

Image copyrightAFP
Image captionSweden ayaa waxaa laga cabsi qabaa weerarro ka dhaca xarumaha soo galootiga
Ra'iisalwasaaraha Sweden ayaa dambi weyn ku tilmaamay dhacdo uu wiil yar oo tahriib ku tegay dalkaasi ku toorriyeeyay gabar shaqaale ah.
Ra'iisalwasaare Stefan Lofven ayaa booqday xarunta lagu xanaaneeyo dadka da'dooda yartahay ee tahriibka ku tega dalkaasi, iyadoo aan lala socon.
Lefven waxaa uu sheegay in dad badan oo u dhashay dalkiisa ay qabaan in dhacdooyinka nocaas ah ay mar kale soo noqon karaan.
Gabadha la toorriyeeyay ayaa waxay u dhimatay dhawaca soo gaaray kaddib markii isbitaalka la geeyay.
Wiilka looga shakisan yahay inuu weerarka gaystay ayaa la sheegay in da'diisu tahay 15 sano jir.
Boliiska dalkaasi ayaa haatan su'aalo weydiinayo wiilkaasi.
Tahriibe Sweden ku dilay gabar shaqaale ah Tahriibe Sweden ku dilay gabar shaqaale ah Reviewed by Unknown on 6:04 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.