UN: 10 kun ayaa lagu barakiciyay Darfur

Image copyrightAP
Image captionBarakaca Darfur ayaa ka dhashay dagaal u dhexeeya ciidammada dowladda Sudan iyo fallaago
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee gobolka Darfur ee Sudan ayaa sheegay in tiro ka badan 10,000 oo qof la bara kiciyey, ayadoo uu jiro dagaal kedis ah oo u dhaxeeya xoogagga dawladda iyo fallaago hubaysan.
Hawlgalka UNAMID ayaa sheegay inuu isku dayayo inuu xaqiijiyo warar sheegaya in ay jiraan dad ku xanniban dagaalka ka soconaya deegaanka buuraleyda Jebel Marra ee bartamaha Darfur.
Nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay waxay ku soo warramayaan in artilleri culus iyo duqayn ay halkaa socotay Sabtidii.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa inay jiraan ilaa laba milyan iyo bar qof kuwaasoo muddo dheer ku bara kacsanaa Darfur oo weli aan degganayn.
UN: 10 kun ayaa lagu barakiciyay Darfur UN: 10 kun ayaa lagu barakiciyay Darfur Reviewed by Unknown on 6:07 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.