Al-Shabaab oo weeraray Ceel-Cade


Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu qabsaday saldhig miletari oo ay ciidammada Kenya ee AMISOM ka tirsan ku leeyihiin deegaan Ceel-Cade ee gobolka Gedo.
Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in weerarka uu dhacay saacadihii hore ee saaka, isla markaana la maqlayay qaraxyo iyo rasaas xoog leh. Waxa ay intaa ku dareen in markii dambe ay xooggaga Al-Shabaab qabsadeen saldhiga ayaga oo ka taagan calankooda.
Bar ay internetka ku leeyihiin Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi lagu dilay 63 ka tirsan ciidammada Kenya.
Afhayeenka wasaaradda difaaca ee Kenya, David Obonyo, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhig ay leeyihiin ciidammada dowladda Soomaaliya, ka dibna ay kusoo bireen kuwa Kenya. Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka uu weli socdo, kamana aanu hadlin khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab oo weeraray Ceel-Cade Al-Shabaab oo weeraray Ceel-Cade Reviewed by Unknown on 5:19 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.