Britain oo laga dooday in la mamnuuco Trump

Xildhibaanada Britain ayaa waxa ay ka doodeen in musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump laga hor istaago in uu dalkaasi galo.
Dooddan oo socotay muddo saddex saacadood ah ayaa waxaa looga jawaabayay codsi ay saxiixeen in ka badan 500 oo kun oo qof.
Arrintan ayaa ka dambeysay hadal ka soo yeeray Mr Trump oo uu ku heegay in dhammaan Muslimiinta ay tahay in laga mamnuuco in ay galaan Mareykanka.
Xildhibaannada qaarkood ayaa ku dooday in Trump yahay nin doqon ah.
Balse waxay sheegeen in loo baahan yahay in la qaddariyo xoriyadda ra'yiga.
Britain oo laga dooday in la mamnuuco Trump Britain oo laga dooday in la mamnuuco Trump Reviewed by Unknown on 12:55 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.