Ii raan oo ku rajo wayn in xayiraada laga qaado

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Javad Zarif ayaa sheegay in xayiraadaha caamaliga ah ee saaran dalkiisa la soo afjari doono maanta oo sabti ah.
Wasiirka ayaa hadalkaasi jeediyay kaddib markii uu gaaray magaalada Vienna, halkaasi oo uu kula kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry.
Hay’adda caalamaiga ah ee arrimaha niyuukleerka ee IAEA ayaa maanta la filayaa in ay xaqiijiso in Iiraan ay dhintay kobcinta hubkeeda atoomiga, sida ku xusan heshiiskii ay Texraan saxiixday.
Iiraan waxa ay dhowr jeer sheegtay in barnaamijkeeda uu gebi ahaanba yahay mid nabadeed.
Texraan ayaa la filayaa in loo fasaxo balaayiinta doolar ee ka xayiran iyo in loo ogolaado in ay caalamka u iib geeyaan saliiddooda.
Ii raan oo ku rajo wayn in xayiraada laga qaado Ii raan oo ku rajo wayn in xayiraada laga qaado Reviewed by Unknown on 4:57 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.