Kadib Ronaldo, Real Madrid oo safarada ka mamnuucday laacib kale! (Waa Kee?)

   
(Madrid) 28 Jan 2016 Sida la ogyahay kooxda Real Madrid ayaa isbuucii hore kansashay dhamaan safaradii Ronaldo uu uga tagi jiray Madrid isla markaana uu ku aadi jiray dalka Morocco.
Balse Mundo Deportivo ayaa ogaatay laacib kale oo isna laga mamnuucay safarada ka banaanka ah magaalada Madrid kadib hoos u dhac soo wajahay qaab ciyaareed kiisa.
Wargayska ayaa sheegaya in Real Madrid ay ku wargalisay Sergio Ramos inuu joojiyo safarada badan ee uu uga tagayo magaalada Madrid kadib markii hoos u dhac iyo dhaawacyo badan uu daris la noqday laacib kaan.
Ramos ayaa la sheegay inuu si isdaba joog ah ugu safrayay maalmihii u danbaysay magaalada uu ka soo jeedo ee Sevilla halkaas oo ay ku noolyihiin qoyskiisa iyo asxaabtiisa.
Safarada badan iyo soo kabsasho la’aanta haysata laacibka ayaa ku qasabtay Perez inuu joojiyo dhamaan safaradii uu ku bixi jiray kabtanka kooxda Real Madrid, waxaana laga doonayaa inuu xooga saaro sidii kooxdu ay koobab ugu guulaysan lahayd xiliciyaareed kan.
راموس ممنوع من السفر إلى إشبيلية
Kadib Ronaldo, Real Madrid oo safarada ka mamnuucday laacib kale! (Waa Kee?) Kadib Ronaldo, Real Madrid oo safarada ka mamnuucday laacib kale! (Waa Kee?)  Reviewed by Unknown on 6:59 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.