Weerarkii Hoteel Splendid ee dalka Burkina Faso oo la soo afjaray

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Burkina Faso ayaa shaaciyay in hawlgalkii ka socday hotel ku yaala magaala madaxda dalkaasi oo ay qabsadeen kooxo islaamiyiin ah haatan la soo afjaray.
Balse wasiirka ayaa intaa kud aray in dagaal uu wali ka socda hotel kale oo halkaa ka ag dhow isla markaana la dilay saddex ka tirsan dableydii weerarka sooq aaday.
Wararka ayaa sheegaya in 126 qof haatan hoteelkaasi laga soo badbaadiyay, inkastoo maqaaxi halkaasi u dhow lagas oo helay meydadka toban qof oo kale.
Kooxda Al-Qaaciddada galbeedka Afrika ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
Kal hore, ma’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in rasaas ay ka dhacaysa gudaha hoteelka oo ku yaala magaalada Ouagadougou.
Ciidamo khaas ah ayaa ka qayb qaadanayay isku dayga lagu soo afjarayo weerarkaasi oo khasaaro badan dhaliyay.
Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa in weerarkaasi ay ku dhinteen.
Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoteelkaasi iyo maqaaxi halkaasi ka ag dhow.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande oo ciidamadiisa ay qayb ka yihiin hawlgalkaasi ka dhanka ah dableyda hoteelka qabsatay ayaa cambaareeyay weerarka, kuna tilmaamay mid fulaynimo ah.
Meydadkani ayaa laga helay maqaaxi ka soo horjeedda hoteelka uu weerarka ka dhacay.
Remi Dandjinou oo ah wasiirka warfaafinta dalkaasi ayaa BBC-da u sheegay in dabley tiro ahaan u dahxeysa lix ilaa toddobo nin oo degnaa hoteelka ay ka dambeeyeen weerarkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in mas’uul ka tirsan dowladda uu ka mid ahaa dadka halkaasi laga soo badbaadiyay, waxaana xarumaha caafimaadka lagu daweynayaa ilaa 33 qof oo dhaawac ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ay bilowgiiba galeen meel kaboshiinka lagu cabo oo u dhaw hoteelka.
Shaqaale ka howlgalayay goobtaasi laga cabo qaxwada ayaa wakaaladda AFP u sheegay in dhowr qof halkaa lagu dilay.
Hoteelka ayaa waxa uu ku yaal meel u dhaw gagida diyaaraha caalamiga ah ee magaaladaasi.
Burkina Faso ayaa dhawaan waxaa ka dhacay doorashooyinkii madaxtinimo ee ugu horreeyay tan iyo afgambigii bilowgii sanadkii hore.
Afgambigaasi ayaa waxaa talada looga tuuray hogaamiyihii talada mudada dheer hayay ee Blaise Compaore, kaasi oo dalkaasi xukumaayay 27 sano.
Weerarkii Hoteel Splendid ee dalka Burkina Faso oo la soo afjaray Weerarkii Hoteel Splendid ee dalka Burkina Faso oo la soo afjaray Reviewed by Unknown on 5:02 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.