Ajaanib lagu dilay hoteelkii Burkina Faso

Ajaanib lagu dilay hoteelkii Burkina Faso



Image copyrightAFP
Image captionAskari Faransiis ah oo dhaawacmay

Wasiirka amniga ee Burkina Faso, Simon Compaore, ayaa sheegay in ugu yaraan 29 qof haatan la og yahay in ay dhinteen kaddib markii habeenkii Jimcaha ay maleeshiyaad Islaami ah ay weerrareen hoteel iyo goob laga cabo qaxwada oo ku yaal caasimadda dalkaasi ee Ouagadougou.
Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi ayaa waxa ay ka kala yimaadeen 18 dal oo kala duwan oo ay ku jiraan, dad u dhashay Canada, Faransiiska, Swiss, Mareykanka iyo Holland.
Al-Qaacidada Galbeedka Afrika ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.
Dhanka kalana mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay waqooyiga fog ee dalkaasi ay ka afduubteen laba qof oo u dhalatay waddanka Australia.
Labadan lamaane oo ku jira da'da 80-ka ayaa tan iyo 1972-kii waxa ay ka howlgalayeen goob caafimaad oo ku taal magaalada Baraboule.
Dalka Burkina Faso ayaa waxaa ka bilaabatay baroor diiq qaran oo saddex maalmood soconeysa, kaddib weerarkii shalay lagu qaaday hoteel ku yaalla caasimadda Ouagadougou.
Dhanka kalana ururka ay ku mideysan yihiin Muslimiinta dalkaasi ayaa cambaareeyay weerarka.
Ajaanib lagu dilay hoteelkii Burkina Faso Ajaanib lagu dilay hoteelkii Burkina Faso Reviewed by Unknown on 12:04 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.