Haweeney madaxweyne loo doortay Taiwan



Image copyrightGetty
Image captionTsai Ing-wen waxa ay ka tirsan tahay xisbiga DPP oo doonaya in Taiwan ay ka madax bannaanaato Shiinaha.

Taiwan ayaa markii ugu horreysay haweeney waxaa loo doortay madaxweyne.
Tsai Ing-wen oo 59 jir ah ayaa waxa ay katirsan tahay xisbiga gobnima doonka ah ee DPP.
Xisbiga haya talada dalkaasi Taiwan ee Kuomintang oo taageera xiriir dhow oo Taiwan la yeelato Shiinaha ayaa qirtay in doorashada looga adkaaday.
Tsai Ing-wen ayaa noqonasya haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dhulka looga hadla luuqadda Shiinaha, waxaana la filayaa in ay jeediso khudbadeeda guusha.
Guusha haweeneydan ayaa ka dhigan isku dhac dhex mara Taiwan iyo Shiinaha.
Shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka mid ah balse fallaagoobay.
Doorashadani ayaa ku soo beegmasya bilo uun kaddib markii uu kulan taariikhi ah dhex maray hoggaamiyeyaasha Taiwan iyo Shiinaha.
Xukumadda Beijing ayaa si dhow ula socotay doorashadaasi si ay u qiyaasto rabitaanka shacabka Taiwan.
Haweeney madaxweyne loo doortay Taiwan Haweeney madaxweyne loo doortay Taiwan Reviewed by Unknown on 12:11 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.