Dhaawaca askarta Kenya oo Nairobi la geeyay

Ciidamada Kenya ee dhawaan lagu dhaawacay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa laga soo dejiyay garoon ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi Ceel-Cadde ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta, balse dowladda kenya ayaa arrintaasi Beenissay.
Ilaa iyo haatan dowladda Kenya ma aysan sheegin tirada dhabta ah ee askarta halkaasi looga dilay ama looga dhaawacay balse Al-Shabaab waxa ay sheegayaan in ay dileen askar boqol kur u dhaafeysa.
Garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi ayaa hadda waxaa soo gaaray dhaawac ka tirsan askartii Kenya ee weerarkaasi ku soo dhaawacantay.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kenya oo ay ka mid tahay wasiirka difaaca Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa ku sugan garoonkaasi si ay u soo dhaweeyaan askarta dhaawaca ah.
Rachael Omamo, wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in dowladda marka hore ay la xiriiri doonto qoysaska askarta weerarkaasi ku dhimatay.
Waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Kenya ay wali dagaal kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabaab si ay uga soo badbaadiyaan ciidamada ay nolasha ku qabteen haddii ayba jiraan.
Kenya ayaa ku adkeysatay in asyan ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta laga xoreynayo Al-Shabaab gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay nolasha ku hayso tiro ka tirsan askarta Kenya, kuwaasi oo la qabtay kaddib mArkii sida ay sheegeen ciidamo ka tirsan guuto ay ugu magac dareen guutada Saalax Nabhaan ay saldhigga Kenya weerareeN.
Saalax Nabhaan ayaa ahaa nin Kenya u dhashay oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha urur weynaha Al-Qaacidda, waxaana duqeyn ku dilay diyaaradaha mareykanka sanadkii 2008-dii.
Dhaawaca askarta Kenya oo Nairobi la geeyay Dhaawaca askarta Kenya oo Nairobi la geeyay Reviewed by Unknown on 6:18 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.