DEG-DEG) AXMED MADOOBE OO ISU DHIIBAY DAMUL JADIID, OGOLAADAYNA 4.5

 

Warar sugan ayaa sheegaya in Axmed Madoobe ogolaaday nidaamka faasidka ah ee 4.5, sidaasna uu isu dhiibay kooxda Damul Jadiid iyo Shariif Sikiin. Warar kale ayaa sheegaya in waftiga Jubbaland laba u kala jabeen, iyadoo qeyb ka mid ahi sheegeen in go'aanka uu qaatay Axmed Madoobe yahay mid aanuu la socodsiin waftiga Jubbaland. Arintan ayaa noqonaysa khiyaano uu kula kacay shacabka reer Jubbaland oo iyagu diidan 4.5. 

Arintan ayaa daliil cad u ah waayo aragnimo la'aan xagga siyaasada, ballan fur iyo khiyaamo qaran. Isla shalay ayey ahayd markii shirka Kismaayo ka dhacay uu Axmed Madoobe ku muujiyey in Jubbaland aysan marna ogolaan doonin nidaamka faasidka ah ee 4.5. 

Dadweynaha reer Jubbaland ayaan isweydiinaya mar haddii uu Axmed Madoobe hadda aqbalay nidaamka faasidka ah ee 4.5, muxuu u aqbali waayey markii isaga martid loo ahaa ee shirka ka socday Kismaayo. 

Qaadashada nidaamka faasidka ah ayaa noqon doona in Axmed Madoobe uu siyaasada Jubbaland iyo Soomaaliyaba ka galo baal mugdi ah, iyo fashil siyaasadeed oo dhaqso ah oo isaga ku yimaada.
DEG-DEG) AXMED MADOOBE OO ISU DHIIBAY DAMUL JADIID, OGOLAADAYNA 4.5 DEG-DEG) AXMED MADOOBE OO ISU DHIIBAY DAMUL JADIID, OGOLAADAYNA 4.5 Reviewed by Unknown on 5:20 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.