HADDII JUBBALAND LA QASBAY, MAXAA PUNTLAND LOO QASBI WAAYEY?!



Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka sheegay in sababta uu u ogolaaday 4.5 ay tahay cadaadis kaga yimid beesha caalamka iyo in beesha caalamku ku qasabtay inuu qaato nidaamka faasidka ah ee 4.5. Su'aashu waxay tahay maxaa loo qasbi waayey Madaxweynaha Puntland Dr. C/Weli Gaas?! 

Qofkii si hoose ula socda siyaasada Soomaaliya, waxa uu si sahlan u fahmayaa in aanay jirin cid qasabtay Axmed Madoobe, balse uu isagu ka tanaasulay mowqifkii ummada Jubbaland ku amaanaysatay ee ahaa in la diido nidaamka faasidka ah ee 4.5, balse si uu ugu qiil helo, una asturo ceebtii ka raacday shirkii Muqdisho, ayuu Axmed Madoobe miciin biday inuu ku mar-marsoodo "waa la iqasbay, waa la ii yeedhiyey".


Ceebtii Madaxweyne Axmed Madoobe ka soo raacday shirkii madasha qaran ee Muqdisho, waa mid daaha ka rogtay mustaqbalka siyaasadeed ee Jubbaland inuu yahay mid uu ku jiro mugdi weyn.
HADDII JUBBALAND LA QASBAY, MAXAA PUNTLAND LOO QASBI WAAYEY?! HADDII JUBBALAND LA QASBAY, MAXAA PUNTLAND LOO QASBI WAAYEY?! Reviewed by Unknown on 5:27 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.