(MAQAAL) XASAN SHEEKH OO LAGU BAHDILAY GAROONKA ADDIS ABABA


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimadii shalay ka degay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir madaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika. Ma jirin mas'uul sare oo ka tirsan dowlada Itoobiya oo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Addis Ababa marka laga reebo shaqaalah wasaarada arimaha dibada. 
Madaxda kale ee Afrikaanka ah waxaa soo dhaweeyey Ra'iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya. 
Madaxweyne waxa laga haybaystaa marka uu yahay mid dadkiisu ku kalsoon yihiin, ama ka turjumaya rabitaanka shacabkiisa, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu naftiisa ku aamin waayey ciidamada Soomaaliyeed, taas ayaa keentay inuu waardiye ka dhigto ciidamo u dhashay dalka Uganka oo ka tirsan AMISOM. 


Ma aha markii ugu horeysay oo sharafta laga qaado Xasan Sheekh, laakiin ma aha nin arimahaas dan kale, waxaana isaga u muhiim ah inuu u safro dibadaha, kana qeyb galo shirarka ka dhaca dunida.
(MAQAAL) XASAN SHEEKH OO LAGU BAHDILAY GAROONKA ADDIS ABABA (MAQAAL) XASAN SHEEKH OO LAGU BAHDILAY GAROONKA ADDIS ABABA Reviewed by Unknown on 5:32 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.