XAFIISKA UGU LACAGTA BADAN, UGU MUSUQ-MAASUQA BADAN, UGUNA TAYADA XUDUN DOWLADA SOOMAALIYA


Wararka been-abuurka ah iyo isfaaninta ah ee la rabay in lagu dhiso sumcadda laanta nabad-sugida qaranka ee NISA, waxay noqotay mid dadka Soomaaliyeed tusta ineysan aheyn ciidan leh kala danbeyn iyo hogaan hagga, ka dib markii mid ka mid ciidamada nabad-sugida qaranka uu ku faanay iskuna ammaanay inuu diiday awaamiirtii uga imanaysay ninkii ciidanka watay dhacdadii xeebta Liido, sababtoo xaalad adag ayaa soo wajahday oo ahayd inuu wiil yar soo badbaadiyo. 

Qoraalka hoos ku qoran wuxuu ku soo baxay barta Facebook-ga ee laanta sirdoonka dowlada Federalka ee NISA, waxaa looga hadlayaa qaabkii ciidamada nabad-sugida Soomaaliya uga howlgaleen weerarkii xasuuqa ahaa ee Alshabab ku soo qaadeen xeebta Liido. 

Balse waa qoraal been isfaanin ku salaysan, lana rabo in lagu marinhabaabiyo dadweynaha Soomaaliyeed. Qoraalkan ayaa muujineya fahamdarrida ka heysata ciidanka nabasugid qaabka ugu haboon ee loo sugo amniga caasimada. Waxaa kale oo qoraalkani ka turjumayaa in xafiiska nabad-sugidu lahayn aqoon ku filan oo ay ku xakameeyaan fayaqabka wararka ka soo baxa xafiiskooda u qaabilsan xiriirka dadweynaha oo ah buundada isku xirta hay’adda iyo shacabka.
XAFIISKA UGU LACAGTA BADAN, UGU MUSUQ-MAASUQA BADAN, UGUNA TAYADA XUDUN DOWLADA SOOMAALIYA XAFIISKA UGU LACAGTA BADAN, UGU MUSUQ-MAASUQA BADAN, UGUNA TAYADA XUDUN DOWLADA SOOMAALIYA Reviewed by Unknown on 5:36 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.