AU oo Burundi ka arrinsaneyso

Hogaamiyayaasha Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay sii wadaan wadahadallada ay uga arinsanayaan suurtagalnimada in ciidamo nabad ilaalin lo diro Burundi, maalintii ugu dambeeysay ee kullan-madaxeedkooda ka socda magaalada Addis Ababa.
Sabtidii wadahadalaooda ayaa dhamaaday iyagoo aan heshiis ka gaarin ansixinta qorshaha lagu doonaya in 5 kun oo askeri loo diro Burundi si ay gacan uga gaystaan qaboojinta rabshadaha bilooyinka ka socday dalkaasi.
Image copyrightNkurunziza
Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa ku hanjabay in dalkiisa uu u arki doono duulaan haddii Midowga Afrika uu ciidamo u soo diro Burundi.
Rabshadaha dalkaasi waxa ay ka dhasheen go'aanka uu Mr. Nkurunziza mar seddaxaad ugu tartamay doorashadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi.
AU oo Burundi ka arrinsaneyso AU oo Burundi ka arrinsaneyso Reviewed by Unknown on 11:58 PM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.