Mucaaradka Suuriya:Waan ka qeybgalaynaa wadahadalada

Ergo matalaysa kooxaha mucaaradka Suuriya ugu waa weyn ayaa gaaray magaalada Geneva, si ay uga qeybgalaan wadahadalada ay taageereyso Qaramada Midoobay
Kooxaha isbaheysiga ayaa gelinkii dambe ee Jimacaha ugu dambeyntii ogolaaday in ay ka qeybgalaan wadahadalada.
Waxa ay ku adkeysanayaan in ay la hadlayaan oo keliya saraakiisha Qaramada Midoobay, aysana wax gorgortan ah la galeynin dowladda madaxweyne Assad.
Afhayeenka kooxahan Monzer Makhous, ayaa sheegay in kooxdan aysan wax gorgortan ah la galaynin dowladda, ilaa inta ay wax ka badalayso xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan qeyba ka mid ah dalkaasi.
Mucaaradka Suuriya:Waan ka qeybgalaynaa wadahadalada Mucaaradka Suuriya:Waan ka qeybgalaynaa wadahadalada Reviewed by Unknown on 12:00 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.