Faah-faahin Ciidamada Kenya oo iskaga baxay Buulo-gaduud

Wararka laga helayo Degaanka Buulo-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Kenya ay iskaga baxeen.
Degaanka Buulo-gaduud oo dhanka Waqooyi Kismaayo uga beegan 30KM ayaa waxaa  iskaga baxay Ciidanka Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo horay u haystay Degaankaasi.
Ciidamada Kenya ayaa Asbuucaan ka baxay Labo Saldhig oo ay ku lahaayeen Degmooyinka Badhaadhe iyo Ceel-cadde oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubbada Hoose,waxaaba Buulo-gaduud ay tahaya Saldhigii Saddexaad oo ay ka baxaan.
Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Kenya wali kama hadlin bixitaanka Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulkaasi ay maanta iskaga baxeen Buulo-gaduud.
Faah-faahin Ciidamada Kenya oo iskaga baxay Buulo-gaduud Faah-faahin Ciidamada Kenya oo iskaga baxay Buulo-gaduud Reviewed by Unknown on 6:23 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.