Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd safar ku gaadhay magaalada Eldoret ee dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd safar ku gaadhay magaalada Eldoret ee dalka Kenya, isagoo halkaasi kaga qayb-gali doonna baroordiiq loo sameynayo bakhtiga ciidamadii Kenya lagaga laayay deegaanka Ceel-cadde.
Ciidamada Kenya ee qaar ka mid uu madaxweynuhu ka qayb-galayo baroordiiqdooda ayaa waxay gaboodfallo iyo xasuuq ka wadaan deegaanno ka mid ah koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday in Madaxweynaha Soomaaliya aanu weli ka hadlin gabood fallada ay ciidanka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, isagoona taas badalkeeda dalka Kenya u aaday si uu raali-galiyo Dolwadda Kenya oo ciidan badan lagaga laayay deegaanka Ceel-cadde.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd safar ku gaadhay magaalada Eldoret ee dalka Kenya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd safar ku gaadhay magaalada Eldoret ee dalka Kenya Reviewed by Unknown on 6:15 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.