Fursadaha ganacsi ee suuqa Iran

Waxaa laga joogaa oo kaliya maalmo tan iyo intii laga qaaday cuno qabataynta Qaramada Midoobay laakiin shirkadaha ayaa durbaba ku dhawaaqay qorshahooda ay ku maalgalinayaan Iran.
Shirkadaha qaar ayaa galiyay bilooyin inay qorsheeyay tan siday ugu soo noqon lahaayeen Iran oo qani ku ah qayraadka dabiiciga, iyadoo leh dad aad u badan oo wax bartay iyo dhul qurxoon.
Shirkadaha Yurub iyo Asia ayaa ku hor mari doona, iyadoo wali cunaqabataynta ay saaran tahay shirkadaha Maraykanka, taasoo adkaynaysa in shirkadaha Maraykanka ay ganacsi la sameeyaan Iran.
Waxaa ka hor imaan doona dhib shirkadaha sida dhaqsaha ah ku gala waddanka.
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato ku haya Iran, sharciyada ganacsiga iyo shaqaalaha ayaa ah kuwa aan la cusbayn oo hadii dacwad ay imaato maxkamadaha Iran ayaa waqti dheer qaata.
Laakiin ganacsiga fursada leh iyo faa'iidooyinka ayaan la iska joojin karin. Waxaan eegaynaa meelaha fursadaha ay ka jiraan.

Baabuurta, baabuurta waawayn iyo basaska
Shirkada Daimler Trucks ayaan wax waqti ah dhumin. Waxay ku dhawaaqday qorshe ay ku bilaabayso iibinta iyo inay ku samayso baabuurta Iran.
Iyadoo kaashanaysa shirkada Khodro ee Iran, waxay soo saari doontaa matooro iyo qaybaha kale ee baabuurka. Daimler, oo ka baxday Iran 2010, ayaa sheegtay in aad loogu baahan yahay baauurta lagu ganacsado,sida kuwa waawayn.
Iran ayaa ahayd suuqa labaad ee ugu wayn ee baabuurta Peugeot- Citroen inataysan ka soo bixin sanadkii 2012. Markay ugu badnayd shirkada ayaa iibin jirtay 450,000 oo baabuur sanadkii.
Shirkada ayaa doonaysa inay ku soo noqoto suuqa Iran. Wahadalo iskaashi wax soo saarka baabuurta ayaa socda sida ay sheegtay Peugeot.
Waqtiga dhow shirkadda Peugeot ayaa qorshaynaysa inay furto dukaan lagu iibiyo baabuurteeda nooca DS iyadoo kaashanaysa ganacsato waddanka.
Laakiin Peugeot ayaa tartan soo food saaray. Dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegaya in Volkswagen ay doonayso inay Iran suuqeeda gasho.
Shirkadaha sameeya qalabka baabuurta ayaa sidoo kale raadinaya fursado, shirkadda samaysa lugaha baabuurta ee Continental ayaa la sheegayaa inay fiirinayso suuqa.
Dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegaya in Iran ay doonayso in shirkadaha ajnabiga ay Iran u gudbiyaan aqoonta, iyo inay faa'iidada waddanka dib ugu maalgaliyaan.

Diyaaradaha
Airbus ayaa ku guulaysatay heshiis ay Iran ku iibsanayso 114 diyaaradood oo loogu talagalay shirkadda Iran Air.
Shirkadaha Maraykanka ayaa wali waxaa saaran cuno qabatayn, inta badan shirkadaha Maraykanka Maraykanka ganacsi lama samayn karaan Iran.
Hadda Tehran ayaa xarun u ah duulimaadyada dibadda iyo kuwa gudaha.
Qabiirada ayaa sheegaya in garoonada magaalooyinka kale loo baahan yahay in la dayac tiro, oo ay ku jiraan magaalada labaad ee Mashhad ee waqooyi bari, magaalada dalxiiska ee Shiraz ee koonfur galbeed, iyo magaalada warshadaha ee Isfahan ee bartamaha Iran.

Saliida shidaalka
Iyadoo Iran ay leedahay kaydka afraad ee ugu wayn adduunka, Iran ayaa ah meel mustaqbal u ah shirkadaha shidaalka.
Shirkadda Total ee Faransiiska ayaa sheegtay inay doonayso inay ku noqoto oo ka shaqayso Iran halkaas oo ay waqti badan joogi jirtay.
Shirkaddda Talyaaniga ee Eni ayaa kamid ahayd shirkadaha iibsada shidaalka ugu badan ee Iran inta aan cunoqabataynta la gu soo rogin. Madaxa shirkada Eni ayaa sheegay in si ay Iran u noqoto waddan wayn oo soo saaro shidaal, waxay u baahan tahay $150 bilyan inay ku maalgaliso shidaalkeeda, taasoo qaadanaysa afar ilaa shan sano.
Shirkadda Norway ee Statoil ayaa lagu soo waramayaa inay sheegtay inay diyaar u tahay fursadaha Iran.
Shirkadda Shell ayaa mashruuc shidaal ku leh Iran, laakiin waxay sheegtay inay tahay waqti hore inay maalgalin kale ku samayso.
Ma aha oo kaliya in Iran inay leedahay shidaal badan, sidoo kale raqiis ayay noqon kartaa in la baaro shidaalka taasna waa muhiim iyadoo sicirka shidaalka uu hoos u dhacay tan iyo 2014-kii.
Laakiin, maalgashi la'aan ayaa wax soo saarkii hoos u dhigay. Sanadkii 2015-kii waxay gaartay 209 milyan oo barmiil maalintii, iyadoo ahayd 3.7 barmiil maalintii 2010-kii, sida ay sheegtay tiro ay soo saartay Opec.
Dowladda Iran ayaa sidoo kale hormarinaysa habka maalgashiga ee shirkadaha ajnabiga, ayuu sheegay Manouchehr Takin oo ah la taliye arrimaha shidaalka iyo tamarta. Wuxuu sheegay in la ogaan doono bisha Febraayo dhamaadkeeda markii dowladda Iran ay bixiso faahfaahin shir maalgashiga Iran oo ka dhici doona London.
Fursadaha ganacsi ee suuqa Iran Fursadaha ganacsi ee suuqa Iran Reviewed by Unknown on 5:19 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.