Taajirka oo 1% ah "oo ka maal badan dunida kale"

Image copyrightAFP
Image captionFarqiga u dhexeeya taajirka iyo saboolka dunida oo sare u kacay
Hay'adda Oxfam ayaa warbixin ku sheegtay in dadka dunida ugu taajirsan oo boqolkiiba hal ah ay ka maal badan yihiin dadka kale ee dunida ku nool dhamaantood.
Warbixintii ugu dambeysay ee Oxfam ayaa sheegtay in 63-da ruux ee dunida ugu hodansan ay leeyihiin hanti dhan tan ay haystaan kalabar dadka saboolka ee dunida ku nool.
Hay'adda ayaa sheegtay in dadka taajirka ay leeyihiin hanti dhan 7.5 Trillion oo doollar.
Warbixintan waxay muujinaysaa in farqiga u dhexeeya dadka taajirka ah iyo kuwa saboolka ah uu sare u sii kacayo.
Taajirka oo 1% ah "oo ka maal badan dunida kale" Taajirka oo 1% ah "oo ka maal badan dunida kale" Reviewed by Unknown on 11:43 PM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.