Musharrax Maxamed Saleebaan oo Burco ku Qabtay Koob lagu xusay Marxuum Cali Sugulle


               
Burco, January 18, 2016      Koob
lagu Xusayey Allaah ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo Khamiistii Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasoo ay ku tartamayeen Kooxda Kubbadda Cagta ee ku ciyaara magacyada Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka Somaliland.
Koobkan oo uu soo diyaariyey, isla markaana dhigay Maxamed Saleebaan Cumar oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan inay u tartamaan Xildhibaannimada Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay inuu ugu talo-galay in lagu xuso Abwaanka caanka ahaa Marxuum Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo uu xusay inuu ahaa Abwaan weyn oo ka mid ah dadka lagu xasuusan doono Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee Salka u dhigay, isla markaana sida wayn uga soo qayb-qaatay Gobannimo-doonka oo heerar kala duwan soo maray, sidaas awgeedna uu mudan yahay in Koob iyo Koobab-ba lagu xuso iyo dhiirrigelinta is-dhex-galka dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha iyo in la isku xidhnaado.
“Waxa sharaf ii ah inaan maanta Garoonka Alamzay ee magaalada Burco ku qabtay Koob lagu xusayo halgamaagii iyo halabuurkii Soomaaliyeed; AHN Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed). Koobkani oo aan sidoo kale uga dan lahaa dhiirrigalinta cayaaraha, isdhexgalka dhallinyarada iyo la-dagaallanka balwooyinka aafeeya da’yarta.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar oo Garoonka Ciyaartaasi ka dhacday hadal kooban ka jeediyey.
Musharrax Maxamed Saleebaan waxa uu sheegay inaanay hawshani noqon doonin tii ugu dambaysay, waxaanu yidhi; “Ma noqon doono hawshii ugu dambaysay ee aan qabto, wuxuu se qayb ka yahay dedaallo door ah oo daarran horumarinta awoodaha jidheed/maskaxeed ee da’yarta gobolka Togdheer oo aan ka mid ahay musharrixiinta uga tartamaysa doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada ee 2017. Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgalintii tartankan.”
Maxamed Saleebaan Cumar waxa uu soo qaatay Tuducyo Suugaaneed, waxaana ka nid ahaa oo uu yidhi; “Diric keli ahaantii, Daleel guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahay!”
Sidoo kale, waxaa iyaguna Ciyaartaas oo lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Alamsay Stadium ee magaalada Burco ka qaybgalay Maamulka gobolka Togdheer, Maamulka dawladda Hoose ee Burco iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Burco, kuwaasoo iyaguna si diirran u soo dhaweeyey Koobkan uu dhigay Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar ee lagu xusayey Marxuum Abwaan Cali Sugulle.

Musharrax Maxamed Saleebaan oo Burco ku Qabtay Koob lagu xusay Marxuum Cali Sugulle Musharrax Maxamed Saleebaan oo Burco ku Qabtay Koob lagu xusay Marxuum Cali Sugulle Reviewed by Unknown on 11:54 PM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.