Dad badan oo lagu laayay gudaha Suuriya


Image copyright
Image captiondagaalyahano ku sugan magaalada Dayrul Zuur
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhacay kaddib markii dagaalyahanada la baxay Dowladda Islaamiga ah ay dabayaqaada todobaadka weerrar ku ekeeyeen deegaan ay gacanta ku hayso dowladda oo ku yaal daafaha magaalada Deyrul Zuur.
War ayaa sheegaya in boqolaal qof ay afduubteen kooxda IS, halka warbaahinta qaranka ee Suuriya ay sheegayso in xasuuq uu halkaasi ka dhacay.
Hasayeeshee kooxaha kale ee mucaaradka ayaa warka dowladda su'aal galiyay, iyagoo sheegay in aanay jirin dil wadareed ama afduub.
Hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee uu fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in 135 qof lagu dilay weerrarka.
Hay’addu waxa ay sheegaysaa in 400 oo xubnood oo ka tirsan qoysas ay afduubteen kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah, dadkaasi oo ay u kaxaysteen magaalada ay ku xooggan yihiin ee Raqqa.
Warbaahinta qaranka Suuriya ayaa sheegtay in 300 oo qof la dilay, dadkaasi qaarkood ayey warbaahintu sheegtay in madaxa laga jaray halka kuwa kalana la daldalay.
Haddii la xaqiijiyo, waxa ay noqonaysaa mid ka mid ah gaboodfalladii ugu xumaa ee ay IS ka fuliso gudaha Dayrul Zuur, halkaasi oo in ka badan sanad lagu dagaalamayay.
Hasayeeshee mucaaradka ku sugan magaalada ayaa diidan tirada ay dowladdu sheegatay.
Mid ayaa BBCda u sheegay in kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ay deegaanka Baghiliya ee beeraleyda ah ee u dhaw magaalada la tageen liis ay ku qoran yihiin dagaalyahano gacan saar la leh dowladda.
Mucaaradka ayaa sheegaya in ay xireen ku dhawaad 20 qof oo qaarkoodna ay dileen.
Qofkaasi ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qoysaska ay hareereeyeen maleeshiyada Kooxda Dowladda Islaamiga ah oo ay meelkalana u qaateen, hasayeeshee aanay xaaladdu gaarsiisnayn sida ay ku sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya.
Ciidammada dowladda ee baritaarayaan duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa haatan lagu soo warramayaa in ay qaadeen dagaal rogaal celin ah oo ay dib ugu qabsanayaan deegaanka.
Dad badan oo lagu laayay gudaha Suuriya Dad badan oo lagu laayay gudaha Suuriya Reviewed by Unknown on 11:29 PM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.