Puntland oo diiday go’aanka madasha wadatashiga qaran

28 Jannaayo 2016 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 05:41 SGA 02:41 GMT
Shirkii madasha wadatashiga ee madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa xukuumadda Soomaaliya Muqdisho uga socday ee looga tashanayay doorashada dalka ka dhici doonta sannadkan ayaa go'aammo laga soo saaray.
Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharma'arke oo shir gudoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay go'aanka iyadoo beesha caalamka iyo madaxda maamuladu kulanka fadhiyaan.
Doorashada ayaa la sheegay in baarlamaanka lagu soo xulayo hanaanka qabaa'ilka ee 4.5, aqalka sarena lagu saleynayo maamul goboleedyada, iyadoo Puntland iyo Somaliland sadex xubnood ay dheeranayaan maamulada kale. Go'aanka waxaa kaloo lagu sheegay in ugu yaraan ay dumarku labada aqal ku lahaanayaan 30%.
Haddaba maamulka Puntland ayaa durba ka biyo diiday go'aannadaas.
Weriyaha BBC Farax Lamane ayaa telefoonka kula xiriiray afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) oo marka hore weydiiyey inuu ka warramo mowqifkooda.
Puntland oo diiday go’aanka madasha wadatashiga qaran Puntland oo diiday go’aanka madasha wadatashiga qaran Reviewed by Unknown on 5:15 AM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.