Sopko:Taliban ayaa maamusha 30% Afghanistan

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in mintidiinta Taliban ay iminka gacanta ku hayaan, ama ay saamayn ku leeyihiin ku dhawaad 30% dalka Afghanistan.
Warbixin loo gudbiyey Congress-ka Maraykanka ayuu sarkaalka dusha ka eegaya dib-u-dhiska Afghanistan, John Sopko, wuxuu ku sheegay in xaaladda amniga ay sii darsanayso, rajaduna ay liidato.
Wuxuu sheegay in Taliban ay iminka gacanta ku hayaan dhul ka ballaaran kii ay hore u haysteen, tan iyo markii ay awoodda ka tuureen xoogagga uu Maraykanku horkacayo 2001.
Mr Sopko wuxuu sheegay in iminka aysan suurtogal ahayn in muwaadiniinta Maraykanka iyo xataa qaar ka mid ah saraakiisha Afghanistan ay socdaal ku maraan waddanka si ay u eegaan mashaariicda dib-u-dhiska.
Sopko:Taliban ayaa maamusha 30% Afghanistan Sopko:Taliban ayaa maamusha 30% Afghanistan Reviewed by Unknown on 11:14 PM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.