QM oo taageertay habka doorashada 4.5

Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa ammaanay nidaanka ay ku heshiisay dawladda Soomaaliya in dalka doorasho uga dhacdo sanadkan oo lagu soo dhisayo baarlamaan federaal ah.
Sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu aad u soo dhoweeyay haweenka oo barlamaanka cusub ku yeelan doona 30% iyo tirada loo qoondeeyey dadka laga badan yahay.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Soomaaliya Micheal Keating, ayaa sheegay in qaabkan uu dhigayo in aqalka hoose ee barlamaanka oo 275 xubnood ah lagu soo xulo qaabka beeluhu ay awooda ku qaybsadaan ee 4.4, halka aqalka sare oo 54 xubnood ah si is le'eg ay uga imaan doonaan maamul-goboleedyada, iyadoo kuraas dheeraad ah loogu dari doono Somaliland iyo Puntland.
Maamulka Puntland, ayaa diiday go'aanka dawladda federalka ee ah qaabka 4.5 lagu soo dooran doono barlamaanka. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo shirkii Muqdisho joogay ayaa ku gacan-sayray go'aanka dawladda, oo uu sheegay in aanuu sinnaba u aqbali doonin qaabka 4.5. Sidaa darteed, ayuu yiri, waxaan talo kula noqonayaa golayaasha iyo dadwaynaha Puntland.
Doorashadii 2012, xubnaha barlamaanka, waxaa soo xulay salaadiinta beelaha, waxaana xubnaha baarlamaanku ay madaxweyne u doorteen Xasan Sheikh Maxamuud, waqtigaas oo qorshuhu ahaa in sanadkan 2016 ay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Hase ahaatee, in doorasho dalka ka dhacdo, waxaa caqabad ku noqday weerarada ururkka al-Shabaab, amni-darida jirta iyo is-qabqabsiga siyaasiyiinta iyo musuqmaasuq.
QM oo taageertay habka doorashada 4.5 QM oo taageertay habka doorashada 4.5 Reviewed by Unknown on 11:11 PM Rating: 5

No comments:

Powered by Blogger.